Habraac Kooban (La dagaalanka musuqa Soomaaliya). Research paper by Abdideck
La Dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaliya: Wajahaad bartilmaameedsan
Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka oo dhan, qaybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labaduba; isagoo kor u sii kordhay habdhaqan ahaan oo aan waliba caadi ahayn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka hadlay furitaanka kal-fadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay, "in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqmaasuq oo aad u xun oo ay qaar kamid ah dowladu sababteedu leyihiin. Waxaa muuqata in ay jirto kalsooni la'aan. "Dowladda Federaalku waxay bilowday in ay beegsato dembiilayaasha musuqmaasuqa, iyada oo tallaabooyinkaan lagu xakameynayo wax yeelada musuqmaasuqa ku hayo dalka, arintaan ayaa hada yeelatay waji cusub. Shaqsiyaad dhawaan loo xiray musuqmaasuqa waxaa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Bani-aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo toban sarkaal oo ka tirsan howl wadeenada dekedda, oo uu kamid yahay madaxa maamulka canshuurta dekedda Muqdisho. Muddooyinkii ugu dambeeyay, dadaalada socda ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ayaa horseeday in Ra'iisul-wasaaraha uu shaqada ka joojiyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyadoo laga jawaabaayo eeydeemo musuqmaasuq oo isaga ka dhan ahaa. Hadalka adag, qabqabashada / ama ka joojinta shaqada shakhsiyaadka lagu eedeeyey in ay ku kacaan musuqmaasuqa wax’ay yareen kartaa culeeska musuqmaasuq ee ka jiro dalka Soomaaliya; Si kastaba ha ahaatee uma badna in ay ku soo af-jaraan faafidda xajmiga musuq-maasuq muddada kooban ee xukuumada haysato. Inkastoo aysan suurta gal aheen in lagu hakiyo faafida musuq-maasuqa mudo howleedka fog ee dalka, ma jiraan wax nidaam istiraatiiji ah, oo loo dhan yahay oo si cad u qeexaayo qaabka loo wajahaayo la dagaallanka musuqmaasuqa. Sidaa daraadeed, siyaasaddan kooban waxay baareysaa khatarta musuqmaasuqa ee ka dhax jirto Jamhuuriyadda Federaaliga ah iyo dowladaheeda kala duwan, bixinta talooyin wax ku ool ah si loo wajaho hanaanka dowlada ee la dagallaanka musuqmaasuqa ayaa abuuri karto saameyn wax ku ool ah oo ku saabsan maamulka, kalsoonida iyo isla xisaabtanka, guud ahaan nidaamyada adeegga dadweynaha.
Horudhac
War bixintii ugu dambeesay ee musuqmaasuqa oo ee ay bixiyeen Transparency International ayaa inta badan dalalka Afrika ee dhaqaalahooda ka hooseeya meel dhaxe ayaa marka loo fiiriyo yareynta musuq-maasuqa, ayaa muujinaya wax yar ama gabi ahaanba in aan waxba laga qabanin cirib tirka musaqmaasuqa; Soomaaliya ma aha mid ka reeban dalalkaan. Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay Qaarada Afrika oo 54 dal, iyadoo la timid 11.6 boqolkiiba 100 marka loo fiiriyo maamulida guud, iyada oo la tiigsanayo Mashruuca Mo Ibrahim Index ee hanaanka maamul ee Afrika. Warbixin isbarbardhig ah, Hay'adda Trace International ee latalinta khatarta laaluushka ee 2017 ayaa Soomaaliya galisay booska dalka ugu liito uguna hooseeyo kaas oo qatarahiisa kor u dhaafeen dhibco guud oo halis ah 88. Intaa waxaa dheer, 190 waddan oo qiimeyn lagu sameeyay, Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu hooseeyo oo ah midka ugu xun oo shaqo wadaag kala dhaxeeyo Bangiga Aduunka, iyadoo ujeedada tahay in ganacsiga loo fududeeyo. Xasillooni daro siyaasadeed oo 30kii sano ee la soo dhaafay ka jirtay Soomaaliya awadeed, aad beey u adagtahay in la dhiso haayado dawladeed oo leh tayo lagu ilaaliyo xukunka sharciga. Intii u dhaxaysay 2000 iyo 2018, Soomaaliya waxay yeelatay shan madaxweyne, toban iyo sadax ra'iisul wasaare iyo isbaddallo isdaba joog ah oo lagu sameeyo golaha wasiirada, taas oo sababtay culaysyo isla xisaabtan iyo caqabado daahfurnaan ah, oo saameyn ku yeeshay xafiisyada dalka ugu sareeyo iyo wasaaradaha dowlada. Taa badalkeeda, hay'adaha sida sharci-dejinta, Garsoorka iyo Hawl-fulinta ayaa si xun oo daran ugu diyaarsan in ay gutaan waajibaadkooda iyo mas'uuliyadaha dowladeed ee looga baahan yahay. Sidoo kale, waxaa si joogto ah loogu dhaleecaynayaa eedaymaha laaluushka ee ka dhax jiro iyagu.is daba marinta maaliyada iyo eexda. Nidaamka anshax-marinta iyo nidaamyada asaasiga ah ee maamulka ayaa ka sii daraya xaaladda jirta.
War bixintii ugu danbeesay oo uu ka jeediyay shirka Golaha Guud ee QM, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ee arimaha Soomaaliya, oo ahna madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay ee caawinta Soomaaliya ayaa yiri, "Musuqmaasuqu waa nidaam, loo adeegsado helitaanka iyo ilaalinta awoodda, kuwaas oo nasiib daro ku ah inta ugu badan dadka. Lacagta aan la raad raaci karin ee loo adeegsado is badalada xukunka waxay sii ahaaneysaa sifooyinka qeexaya siyaasadda mustaqbalka ee Soomaaliya.
Waxaa intaa dheer, waxaa jira baahida sii kordheysa ee loo qabo adeega mihnadeed oo xirfad leh, xukunkiisuna yahay dastuurka, iyo mabaadi'da sharafnimada iyo isla xisaabtanka. Inta badan shaqalaha dawladda ee Soomaaliya waxay sii wadaan inay si feytaan leh u noolaadaan, hab muujinaayo farqiga u dhexeeya mushaharaadkooda rasmiga ah iyo hantida ay tacbadeen. Sababo la xariiro la’aanta haykal dowladnimo oo leh diwaan cabasho oo shaqeynayo iyo masuul baara eeydeemaha ka dhanka ah xafiisyada dowlada ayaa saameeyay adeegyada asaasiga ah iyo arimaha la hal maala, halka dadweynuhu uu la walaacsan yahay kuna jahwareeray. Waa arin laga wada dharagsan yahay. sidaas darteed, Soomaalidu waxay ku noolyihiin ilaa iyo xad heer ogolaansho ah oo quseeyo musuqmaasuqu nasiibka u yeeshay in uu duugo qaybta adeegga dadweynaha. Bar tilmaameed dhinacyo badan ah oo lagula dagaallamo xumaha, oo ka kooban daneeyayaasha ka socda qaybaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waa in la siiyaa tixgelin, waa haddii isbedel macne leh uu ka qabsoomaayo qaybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Xaqiiqada qeybaha balaaran
Musuqmaasuqa oo ah dhacdo bulshadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale taas oo saameyn xun ku yeelanaysa dhammaan nidaamyada iyo maamulka-dowladeed. Waxay caqabad ku tahay bulshooyinka dimoqraadiga ah, waxay yareeyaan horumarka dhaqaale waxayna ka qayb qaadataa xasillooni darro iyo amaan daro. Dabeecadda musuq-maasuqa ee Soomaaliya waa horumar iyo arimaha bulshada, taas oo caddaynaysa in ay si weyn u xakameynayso isbeddelka, horseedeesana caqabadda culus ee ku gudban kobaca dhaqaalaha, cirib tirka saboolnimada iyo xasilloonida Soomaaliya. Qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan waxbarashada, garsoorka, amniga iyo hanti dhowrka ayeey si aad ah ugu dhufatey dabeesha musuqmaasuq.
Qaybta waxbarashada waa mid aan nidaamsaneyn, taasoo keentay khiyaano tacliineed iyo la'aanta xaqiijin tayo leh iyo heer jaangooyo toona. Wasaaradda Waxbarashada ayaa wali sameynin habdhismeed manhaj guud oo loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatooyinka hadda jira ee xirfadaha garashada iyo garaadka ee dadweynaha, iyo taageeridda qaranka iyo horumarka. Bishii July ee sannadkii 2018 wasiirka waxbarashadu ayaa laga xayuubiyay xilka ka dib markii uu ku dhawaaqay in wasaaraddu aysan aqoonsaneen jaamacadaha dalka oo dhan, sababa la xariiro tayo xumo. Ilaalada waayeelka ah ayaa horey loogu eedeeyay in ay niyad jabinayaan dadaalada la doonayay in lagu habeeyo nidaamka waxbarashada; Natiijo ahaan, waxay ku qanciyeen in xaaladdaha waxbarasho ee dalka sidooda loo daayo, ayna sii socoto, siina wadaana iyagoo taageeraya gaar ahaanta adeegyada waxbarashada ee dalka. Qaar ka mid ah hay'adaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahay ayaa faa’ido weyn horseeday, iyagoo sii kordhinayo faa'iidadaas balse waxaa yar tixgelintooda ku aadan naqshadaynta iyo bixinta adeeg wax barasho oo mideesan, tayana leh.
Nidaamka garsoorka, garsoorayaasha ayaa si aad u daran ugu nugul laaluushka, sababtoo ah xaaladaha shaqo oo aan fiicnayn iyo mushahar iyo guno aanan fadhinin la iskuna haleen karin. Dhibaatada dhawaan ka dhex abuurantay qawaaniinta dalka iyo garsoorka ee ku saabsan joojinta natiijooyinka 8 xubnood ee la doortay ayaa ah calaamad muujinaysa la'aanta kalsoonida nidaamka garsoorka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dadaallo la arki karo oo wax looga qabtay musuqmasuqa, sida lagu soo bandhigay xariggii dhowaan lagu sameeyay kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo lagu eedeeyay in uu qaatay laaluush tiro badan iyo fara-gelinta fal dambiyeedyo.
Ilaa hadda, musuqmaasuqa ka jira miisaaniyadda ayaa loo aqoonsaday in ay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee ku hor gudban qorshaha dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, Waxay abuurtay in waddan hadda la daalaa dhacaayo caqabadaha yaraanta kheyraadka iyo iyo xiisad dhaqaale oo qoto dheer, iyadoo hadana lacago badan oo loogu talogalay kobaca dhaqqalaha dadweynaha ay ku idlaadeen kaliya gacmaha shaqsiyaad kooban. Caqabadda ugu weyn ee halkan ka taagan waa maqnaashaha nidaamka maamulka canshuurta oo habaysan, ama la’aanta farsamo lagu maareeyo kharashka dawladda. Guuldarada hantidhawrku ku guuldareysto inuu daabaco dukumiintiyada maaliyadeed ee sharciyadeed, oo uu kor joogteeyo ama xisaabiyo isagoo faahfaahinaya kharashyada dawladda sannad-maaliyadeed kasta, waxay sii dhaawici doontaa qorshaha loo dajiyay si loo qiyaaso xisaabtanka iyo daahfurnaanta wasaaradda.
Hab dhaqanka dhaqaale iyo midka maamul ee ka dhax jirta ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay siyaaday, sii socotana. Dacwooyinka, eedeymaha iyo warbixinnada ku saabsan ciidamada militariga ayaa lala xiriiriyay joojinta cuntada, shidaalka iyo qalabka gargaarka ah ee ka yimaada Maraykanka, taas oo halis gelinaysa awoodda militariga si ay u fuliyaan waajibaadka ka saaran amniga iyo difaaca dalka. Intaa waxaa dheer, waxaa jira eedeymo ballaaran ka dhan ah ciidamada amniga ay sii joogteenayaan jidgooyooyinka wadooyinka ee sharci-darrada ah si ay lacago baad ah uga qaataan baabuurta, shaqaalaha gargaarka iyo dadka deegaanka. Nabad-galyada siyaasadeed, dib-u-habeeynta nabadgelyada iyo nabad-dhisiddu waxay udub dhaxaad u yihiin qorshaha dib u soo kabashada iyo is-beddelka Soomaaliya. Hawlaha lagu xoojinayo amniga iyo dib-u-dhiska nidaamka siyaasadeed waa in saldhig looga dhigaa dib-u-habeynta qeybaha kala duwan iyo anshaxmarintooda. Daacadnimada iyo bixinta adeeg tayo leh. Dib-u-habeynta waaxda amniga (DHWA), ayaa looga golleeyahay in isbadal loogu sameeyo adeegyada amniga iyo caddaaladda, taas oo ah mudnaanta guusha ujeedooyinka dawlad-dhisida. Hirgelinta dhabta ah ee DHWA waxaa la garan doonaa ka dib markii lagu shaqeeyo lana xaqiijiyo qorshahii shuruudaha lahaa ee dowlada federalka Soomaaliya ay 2020 masuuliyada amniga kala wareegeeso ciidamada nabad ilaalinta AMISOM. Tani waxaa ku jiri doona dib-u-habeyn lagu sameeyo mushaaraadka iyo gunooyinka ciidamada amniga si xaquuqdooda oo dhameestiran u helaan.
Talooyin
Talooyinka udub dhaxaadka ee soo socda ee la soo jeediyey waa:
• Dib-u-eegis muhiim ah oo ku aaddan musuqmaasuqa hadda jira ee qaybta dowliga ah;
• Wada hadal furan oo lala yeelanayo daneeyayaasha;
• Diyaarinta qorshe iyo qorshe howleed iyo dib-u-eegis bartilmaameedka hadda (haddii ayba jiraan); iyo
• Hirgelinta iyo kormeerka qorshaha bartilmaameedka
Si loola dagaallamo musuqmaasuqa waa in laga soo gudbaa xaalad ku kooban af ka hadal oo kaliya ama mawduuc hoosaad si loo hirgeliyo isbedel dhab ah, iyada oo ficil ah waxay u baahan tahay habab isku mid ah oo loo dhan yahay iyo wajahaad joogteysan. Dowlada ama xukuumada waxay u baahan tahay in ay cadayso wax yaabaha mudnaanta leh, qeexdana kuwa qaaska ah, oona la aqoonsan karo iyo ujeedooyin cad cad oo qiimeyn lagu sameeyn karo, u qoondaynta dhaqaalo lagu dardar geliyo ololaha ka hortagga musuqmaasuqa, abuurista qaabka ugu haboon ee go'aan qaadashada lagama maarmaanka u ah, iyo horumarinta bartilmaameed cad oo isgaarsiineed si loo muujiyo sida ay ujeedadiisu u xaqiijin karto maamul wanaaga qaybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Tani waxay dalbanaysaa jadwal qeexan oo cad, oo ay ku jirto bartilmaameed la gaari karo. Waa in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo kutala gal ah oo diyaarsan si loo abuuro aasaas adag, iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xuubsiibaneeso dhibaatada ugu wayn ee guntadheer ee bulsho mabaadii’da, qiimaha iyo anshaxa garasho guuray. Dadaallada cad cad waa in lagu balaariyaa qorsheynta iyo bartilmaameedyo isku xiran oo xeeldheer si loola dagaallamo musuqmaasuqa si maalinle ah, si loo cirib-tiro dhaqanka musuqmaasuqa waa in mwaadiniinta faham sare laga siiyaa, habab badan oo looga qaybqaadanayo waa in la dhaqan geliyaa, iyada oo sare loo qaadaayo ka qaybgalka bulshada rayidka ah, xubnaha ka tirsan waaxda gaarka loo leeyahay iyo dadweynaha, iyada oo loo marayo wada-xaajoodyada bulshada iyo shirarka bulshada. Dadaallo ay dadka hormuud ka yihiin, laguna jaheeyo la dagaallanka musuqmaasuqa, waa in sidoo kale la kordhiyaa shaacinta la dagaallanka musuqmaasuqa, si firfircoona uga qayb galaan xubnaha bulshada rayidka ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo loo marayo waxbarashada madaniga ah iyo kor u qaadida wacyiga bulshada dhexdeeda, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa suurto galka ah
Tilaabooyin cadeymo ku saleeysan
Dhaqamada caddaynta ku saleeysan waa in la dhaqan geliyo bilawga baaritaanka musuqmaasuqa iyo dib-u-eegistiisa. Dowladu waa inay ku dadaashaa, siina xoojisaa hababka ay caddeymaheeda u aruuriso, si loo ciqaabo shakhsiyaadka lagu helo musuqmaasuq. Habkani wuxuu faa'iido u yeelan doonaa sidii loo gaari lahaa xalalka caqli-galka ah, oo keenaya rajooyin dhab ah halkii ay noqon laheed tallaabooyin isku dhax yaacsan, taasoo horseedi karto waxqabad xumada hay'adaha fulinta iyo hay'adaha kala duwan
Wax ka qabashada ilaha Sababa Musuqmaasuqa
Si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro musuq-maasuqa, waa lagama maarmaan in la fahmo sababaha asaasiga u ah. Tayo xumada hayadaha isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo awood la'aanta in laga hortago cadaadiska siyaasadeed ayaa abuuraya jawi u oggolaanaya musuqmaasuq inuu horumar sameeyo. Nidaamyada cabashada waa in la hirgeliyaa si loogu oggolaado xubnaha dadweynaha in ay si qarsoodi ah u soo sheegaan una dhiibaan jawaab celin ku saabsan khibradooda. Dowladu waa inay sidoo kale ku dadaashaa sidii ay u cambaareyn lahayd xumaha, oo ay u ceebeysan laheed kuwa ku hawlan. Dadaalka lagu yareynayo saboolnimada iyo wax ka qabashada arrimaha ku wareegsan mushaarka iyo gunooyinka shaqaalaha dowladda waa in sidoo kale lagu xalliyaa si degdeg ah. Waxbarashada dadweynaha ee ku saabsan anshaxa, sharafta iyo qiyamka waa in lagu qabtaa heerarka oo dhan, oo ay ka mid yihiin iskuulada, si ay adeegayaasha dadweynaha u oggolaadaan in ay cirib tiraan dhaqanka musuqmaasuqa ee lagu hayo nidaamka.
Sameynta Gudiga Madaxa-bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xafiiska Hantidhawrka Guud ma aha kuwa ugu wanaagsan ee lagu hagaajin karo ololaha ka hortagga musuqmaasuqa. La dagaallanka isdaba marinta ee Soomaaliya waxaa laga yaabaa inaanay ku guulaysan iyadoo aysan jirin hay'ad madax-bannaan oo musuq-maasuq oo kaliya ay tahay shaqadeeda in ay soo bandhigto oo ay baaraan kiisaska musuq-maasuq ee qaybaha dadweynaha. Hay'ad kasta oo si macquul ah loo aasaasay waa in ay leedahay hannaan dastuur oo cad, awood iyo ilo-dhaqaale si loo xoojiyo si ay si madax banaan uga shaqeeyaan ka hortagga, soo bandhigida, iyo baaritaanka musuqmaasuqa, soo saarida wacyigelinta dadweynaha iyo dareenka, iyo bixinta talooyin ku saabsan hay'adaha sharci fulinta iyo hay'adaha dacwad oogista.
Ka qaybqaadashada daneeyaha
Dowladu kaligeed ma ku guuleysan karto dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa. Taas macnaheedu waa inay muhiimad weyn u leedahay inay si firfircoon uga qayb galaan daneeyayaasha aan kamidka aheen hay’adaha dowlada si ay ula dagaallamaan musuqmaasuqa. Kuwani waxaa kamid ah, laakiin aan ku koobnayn hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha beelaha, dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah, si loo beddelo waxa ay aaminsan yihiin, fikradaha iyo dabeecadaha la xiriira musuqmaasuqa, iyo sidoo kale in la dhiso xidhiidh is aamin ah oo dhexmara dowladda iyo muwaadiniinteeda.
Waxbarashada La Dagaallanka Musuqmaasuqa
Kor u qaadista wacyi-gelinta iyada oo loo marayo golaha ka-qaybgalka dadweynaha, iyo faafinta macluumaadka la-dagaallanka musuqmaasuqa iyada oo loo marayo warbaahinta daabacan iyo elektaroonigga, iyada oo loo eegayo kor u kaca iyo xoojinta mas'uuliyadaha bulshada ayaa abuuri karta jawi aan xumaha loogu dulqaadanin. Farriimaha waa in lagu jaangooyaa sidii loo maareeyn lahaa khataraha hor yaalo shaqaalaha dawlada iyo dadweynaha, iyadoo la xaddidaya fursadaha saamaxa ka qeyb qaadashada isdaba marinta, iyo isla mar ahaantaana kor u qaadida wadaniyada. Aqoon isweydaarsiyo iyo barnaamijyo si taxadar leh hawada loo geliyo oo ku saabsan waxbarashada madaniga ah ayaa kicin karto rabitaanka dadweynaha ee lagu aqoonsanayo dabeecada ficilada xumaha ah si ay u helaan sama qabkooda, iyo in loo ogollaado inay iyagu noqdaan kuwa iska leh doorka la dagaalanka musuqmaasuqa. Mas'uuliyadaha sharciga waa in la dejiyaa si loo hubiyo in dhammaan shaqaalaha rayidka ahi ay si joogta ah ula tacaalaan tacliinta musuqmaasuqa iyo tababarka, iyo in ay saxiixaan xeerka anshaxa iyo anshaxmarinta dhaarta iyaga oo ay waajib ku tahay in ay bixiyaan adeegyadooda iyaga oo aan waxba isdaba marinin.
Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Sharciga
Xoojinta iyo ixtiraamka dabeecadaha isdaba-joogga ah ee Garsoorka iyo mandiqadiisu waxay bixiyaan xukunka sharciga oo hagaajin karo tayada waxqabadka caddaaladda,
, iyo saanqeybinta iyo kala-takooridda awooda maxkamaduhu dhexdooda iyo awoodaha u dhaxeeyo maxkamadaha iyo gobolka. Dareenka kalsoonida shacabka, si loo dhisho dareen xambaarsan kalsoonida dadweynaha. Garsoorku waa inuu xukunnada ciqaabta si waafaqsan sharciga ugu ridaa dembiilayaasha ku jiro siyaasadda iyo bulshada dhaxdeeda. Dib-u-dhiska waaweyn iyo dadaalka dhisidda tayada garsoorayaasha waxay u baahan tahay in la hagaajiyo dib-u-habeynta Ajandaha. Intaa waxaa dheer, mushaharka iyo gunnooyinka saraakiisha garsoorka ee shaqada ay qabtaan si ay u bixiyaan adeeg cadaalladeed oo xaqiijin karo dib-u-habeeynta.
Author: Abdideck Ibrahim Salat
Cofounder: www.fatxigargaar.so
E-mail: abdideck.ibrahim@fatxigargaar.so
Cofounder: www.fatxigargaar.so
E-mail: abdideck.ibrahim@fatxigargaar.so
Comments
Post a Comment