Habraac Kooban (La dagaalanka musuqa Soomaaliya). Research paper by Abdideck

La Dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaliya: Wajahaad bartilmaameedsan Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka oo dhan, qaybaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay labaduba; isagoo kor u sii kordhay habdhaqan ahaan oo aan waliba caadi ahayn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka hadlay furitaanka kal-fadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay, "in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqmaasuq oo aad u xun oo ay qaar kamid ah dowladu sababteedu leyihiin. Waxaa muuqata in ay jirto kalsooni la'aan. "Dowladda Federaalku waxay bilowday in ay beegsato dembiilayaasha musuqmaasuqa, iyada oo tallaabooyinkaan lagu xakameynayo wax yeelada musuqmaasuqa ku hayo dalka, arintaan ayaa hada yeelatay waji cusub. Shaqsiyaad dhawaan loo xiray musuqmaasuqa waxaa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Bani-aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo toban sarkaal oo ka tirsan howl...